4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2023
Jabhada SSC oo soo dhawaysay ciidamo Somaliland ka goostay
 

Jimco, May, 5, 2023 (HOL) - Taliyaha Jabhada SSC Cabdimadoobe, ayaa soo dhaweeyay sarkaal iyo ciidan uu wato oo hore uga goostay Somaliland, isla markaana ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC.

Cabdimadoobe ayaa u mahadceliyay taliyaha ku biiray, isaga oo sheegay in ciidamadii deegaanka ee Somaliland ka mushaar qaadan jiray ay ku biireen jabhada uu hogaamiyo.

"Carowayn qaybna jabhada ayaa ka daganayd qaybna ciidamada deegaanka ee Somaliland ka mushaar qaata, waxaanu ku guulaysanay in labadii ciidanba ay hal ciidan isku noqdaan, taasna waxa ku mahadsan Kornayl Maxamed Deeq oo dadkiisii iyo deegaankiisii la dareen noqday" ayuu yidhi Cabdimadoobe.

Waxa uu sheegay in anay meel iska fadhiyi doonin, lakiin ay dagaalami doonaan, oo ay halgan galayaan, sidookale saraakiil kale oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba.

Cabdimadoobe waxa uu intaa ku daray in ay soo dhamaatay waan waan kasta oo la doonayay in dagaalka lagu joojiyo, isaga oo sheegay in hada wixii ka danbeeya ay xabad isticmaalayaan.