4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2023
Al-shabaab oo shan ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Jilib
 

Jimco, May, 5, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ay shalay galinkii dambe halkaasi ku toogteen shan ruux oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen basaasiin la shaqeynaayay Sirdoonada dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Mid ka mid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay ayay kooxda Al-shabaab sheegtay inuu qirtay inuu masuul ka ahaa dilka hogaamiye sare oo ka tirsana kooxda oo la dilay bishii Juun sanadkii 2016-kii, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Dulyadeyn oo ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda Maraykanka.

Maxamed Dulyadeyn ayaa la sheegay inuu ahaa masakaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii ee lagu dilay 148 ruux iyo weeraro kale oo ka dhacay gobolka Waqooyi bari Kenya.

Al-shabaab ayaa inta badan deegaanada ay ka taliyaan waxay ku toogtaan dad ay ku eedeeynayaan iney la shaqeeyaan Sirdoonada dowladaha Soomaaliya, kenya iyo Mareykanka.