4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2023
Wabiyada Shabeelle iyo Web oo ku fatahay qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida
 

Jimco, May, 5, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Wabiyada Shabeelle iyo Web oo ay buux dhaafiyeen roobabka gu'ga ay keeneen fatahaado saameeyey dadkii degganaa aaggaas, isla markaana ay baabi'iyeen dhul beereedyo iyo waliba xoolihii dadku lahaayeen.

Haddaba fatahaadahan ayaa waxay si gaar ah u saameeyeen dadkii degganaa tuulooyinka hoos yimaadda degmada Qallaafe oo ka tirsan gobolka Shabeelle iyo waliba degmada Jarati oo iyaduna ka tirsan gobolka Afdheer, waxaana ku kala fatahay Wabiyada Shabeelle iyo Web oo kamid ah Wabiyada u waawayn ee dhex mara dowlad degaanka Soomaalida.

Qaar kamid ah dadka uu saameeyey daadadkan ka dhashay wabiyada fatahay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wabiyadan soo fatahay ay ka dumiyeen guryihii ay degganaayeen, isla markaana ay qaadeen dhul beereedyo ay imbadan dadkani ku tabcayeen, iyagoo dowladdana ka codsaday inay degdeg ula soo gaarto gargaarka ay u baahan yihiin.

Dhankiisa Ku xigeenka madaxa Xafiiska Khataraha iyo Masiibooyinka ee degaanka Soomaalida Cabdifataax Maxamed oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in fatahaadahan ay saameeyeen 31 degmo oo kamid ah ilaa 8 Gobol, waxa kale oo uu masuulku xusay in Qoysaska ku waxyeeloobay fatahaada Wabiyadan ay gaarayaan 45,416 Qoys, sidoo kale Masuulku waxa uu sheegay in ilaa 25,844 Qoys oo kamid ah dadkaas ay ku barakaceen fatahaadan.

Dhinaca dadka ku geeriyooday fatahaadda Wabiyadan masuulku waxa uu ku sheegay in dad gaaraya 45 ruux ay siyaabo kala duwan ugu geeriyooday fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Web, sidoo kale masuulku waxa uu sheegay in xoolo dhan ilaa 19,686 neef ay iyaguna ku dhinteen fatahaadahan ka dhashay wabiyadan Shabeelle iyo Web.

Isu soo duuboo, dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka curtay roobabkii gu'ga oo si mahiigaan ah uga da'ay meelo badan oo kamid ah degaanka, kaas oo keenay inay wabiyadii degaanka dhex marayay iyo meelihii biyo xireennada ay fatahaado keenaan, taas oo saameysay dadkii ka ag dhawaa goobahaas iyo hantidoodiiba.