4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2023
Somaliland oo iska fogaysay tirakoob dadwayne oo ay dowlada Soomaaliya samaynayso
 

Khamiis, May, 4, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in aanu khusaynin tirakoob dadwayne oo dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay samaynayso.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland ee Khamiislaha ah ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay dal gaar u taagan, isla markaana aanu khusaynin tirakoobka ay dowlada Soomaaliya samaynayso.

"In aanay qaranka Somaliland khusaynin  tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduudeheeda afarta jahana ay cad yihiin"  ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay shirka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan daah furtay tirakoob lagu samaynayo dadka iyo guryaha shacabka, barnaamijka tirakoobka ayaa socon doona muddo laba sanno ah.

Hadaba, barnaamijka oo laga fulin doono dhamaan dowlad goboleedyada dalka, ayay dowladu sheegtay in ay ka caawinayso amniga iyo dhaqaalaha.