4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2023
Isimada dhaqanka gobolada SSC oo kulan la qaatay Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Talaado, May 30, 2023 (HOL) - Rayaal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Isimada dhaqanka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo maalin ka hor soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka Raysal wasaaraha iyo Isimada dhaqanka gobolada SSC ayaa ahaa mid looga arinsaday xaalada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

"Raysal wasaaraha ayaa Isimada dhaqanka SSC kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoona u muujiyey Garaadada SSC sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada ka jirta Laascaanood" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Garaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa Raysal wasaare Xamse u gudbiyay aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada haysata dadka reer Laascaanood ee ka dhalatay dagaalada wali kasii socda Laascaanood, iyagoona uga mahadceliyay Raysal wasaaraaha kulanka iyo soo dhaweynta wanaagsan uu u sameeyay.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Isimadan ay kulan kan la mid ah kula qaateen gudaha Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kala hadleen xal u helista xaaladaha ka jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.