4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Garaad Jaamac: Intaan wiilasheenu isku dhamaan guryihiina ku noqda
 

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa markale Somaliland ugu baaqay in ay ka baxdo deegaanada SSC.

Garaad Jaamac ayaa Somaliland ugu baaqay in ay ka baxdo deegaanada SSC kahor inta anay dhibaato badani dhicin, oo aanay dagaalo dhicin.

"Xabaalaha dushooda intii laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo ragu noolyahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, guryihiina ku noqda" ayuu yidhi Garaad Cali.

Waxa uu sheegay in anay Somaliland kaga daba tagi doonin meel ka baxsan dhulka SSC, lakiin ay rabaan in ay ka baxdo dhulka SSC, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa ilaa iyo hada barakiciyay boqollaal kun oo qof, sidookale boqollaal kale ayaa ku naf waayay, ilaa iyo hadana majirto wax waan waan ah oo ay dhinacyadu xabada ku joojinayaan.