4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Muwaadin Soomaali ah oo lagu helay falal Shabaabnimo ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka
 
Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Hay’adda Dhaqangelinta iyo ka saarista Canshuuraha ee Maraykanka (ICE) ee magaalladda Seattle ayaa ku dhawaaqday in Omer Cabdi Maxamed oo 38-jir ah oo haysta dhalashadda Somalia laga tarxiilay Maraykanka.

Omer Cabdi Maxamed ayaa lagu helay inuu 2013 maleegay inuu taageero agab ah u fidiyo kooxda  Alshabaab, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 20 sano oo kormeer ay ku samaynayso maxkamadda Minnesota.

Xukunka Maxamed ayaa qeyb ka ahaa baaritaan ballaaran oo diiradda lagu saarayay qorista dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku sugan si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa horseeday in dacwad lagu soo oogo ku dhawaad 18 qof, kuwaas oo sideed ka mid ah lagu helay dambiyada.

Shaqsiyaadkani kuma ekaan oo kaliya dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee waxay sidoo kale ku lug lahaayeen fududaynta safarka, bixinta taageero dhaqaale, iyo qorista dhallinyarada.

Maraykanku wuxuu sheegay kooxihii ugu horreeyay ee Shabaabnimo loo qoro inay ka tageen dalkaas dabayaaqadii 2007-dii, iyadoo ay baxeen dad badan 2008 iyo 2009. Waxaa la sheegay inay degeen guryo ku yaalla koonfurta Soomaaliya ka hor inta aysan ku biirin xero tababar oo ay hoggaaminayaan xubno sare oo al-Shabaab ah iyo xubno al-Qaacida ah oo ka yimid Bariga Afrika.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay, sannadkii 2008 in qaar ka mid ah dhallinyarada ka tagay Minneapolis ay ka qaybqaateen weerar gaadmo ah oo ay al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Itoobiya. Dabayaaqadii sanadkaas, Shirwac Axmed oo ka yimid Minneapolis ayay Dowladda Maraykanka sheegtay inuu u noqday qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo isku qarxiya Soomaaliya.