4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo la kulmay isimada SSC

Isniin, May 29, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo shalay Muqdisho tagay.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay dowladda Federaalku inay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka SSC ayaa bogaadiyey mowqifka xukuumadda ee Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.