4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2023
Madaxweyne Erdogan oo ku guulaystay doorashadii madaxweynaha dalkiisa

Axad, May 28, 2023 (HOL) - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Turkiga, isagoo ka adkaaday hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu codbixintii ku celiska ahayd ee maanta.

Iyadoo 99.43% codadka la tiriyay, natiijada rasmiga ah ee hordhaca ah ee uu ku dhawaaqay golaha sare ee doorashada Turkiga (YSK) ayaa muujisay in Erdogan uu ku guuleystay 52.14% codadkii la dhiibtay. Kilicdaroglu ayaa isna helay 47.86%.

Ka hor inta aan natiijada si rasmi ah loo shaacin, madaxweyne Erdogan waxa uu u muuqday mid si guul leh ula wareegay bannaanka hore ee guriga uu ka deggan yahay Istanbul, isaga oo ku heesayay dabbaaldegyo baska ololahiisa doorashada.

"Waxaynu ku dhamaynay wareeggii labaad ee doorashada madaxtooyadda iyadoo ay ummaddeenu raalli ka tahay. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qarankeyga oo na siiyay maalin dimoqraadiyad ah,” ayuu yiri Erdogan.

Isagoo ka hadlayay xarunta xisbigiisa ee caasimadda Ankara, hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ilaa laga helayo "dimuqraadiyad dhab ah" oo ka jirta Turkiga.

"Tani waxay ahayd doorashadii ugu cadaalad darrada badnayd taariikhdayada. "Doorashadan, rabitaanka dadku in ay beddelaan dawlad kali-talis ah ayaa caddaatay in kasta oo ay jireen cadaadisyo oo dhan." ayuu yiri Kilicdaroglu.

Hogaamiyaasha adduunka oo ay ka mid yihiin Ruushka, Qatar, Libya, Algeria, Hungary, Iran iyo Maamulka Falastiin ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay Erdogan.

Taageerayaasha Erdogan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul, iyagoo ku dhawaaqayay magaciisa iyo "Ilaah baa weyn".

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee xarunta Istanbul ee xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Horumarka (AK) kadib natiijadii horudhaca ahayd ee ay muujisay Erdogan oo hoggaanka haya.