6/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu aasay meel u dhaw bar koontarool oo ay ciidamada Booliisa milataari ku baaraan dadka iyo gaadiidka.

Goobjoogayaal ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in qaraxa miino ay ku dhaawacmeen laba ruux oo shacab ah oo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray askarta ka dhaweyd goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib howlgalo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay, hayeeshee lama soo warin cid ay usoo qabqabteen qaraxa miino ee khasaaraha kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay ciidamada cusub ee lagu soo tababaray dalka Uganda wax badan iska badelay, hayeshee saacadahii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.












Click here
5/25/2023 11:11 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay xaafado ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

5/25/2023 9:58 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ahna ku simaha Raysal wasaaraha Saalax Axmed Jaamac ayaa diiradda lagu saaray Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare iyo dhaqan gelinta nidaaminta bajaajyada ka howlgala Caasimadda dalka.

5/25/2023 7:48 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin uu ku sifeeyay saaqidiin ay hor istaageen inay doorasho ka dhacdo magaalada Garowe.

5/25/2023 3:02 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - 33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland.

5/25/2023 1:52 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho ee ahaa A iyo B.

5/25/2023 1:35 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Dowldda Mareykanka ayaa cunaqabateyn culus ku soo rogtay 26 qof iyo hay’ado xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, iyo Shirkado Soomaaliyeed oo dhoofiya Dhuxusha.