6/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay dhaqan galka jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho ee ahaa A iyo B.

Maamulka ayaa Maanta u qorsheeyay in Mootooynka wada sumada A iney ka shaqeystaan, halka kuwa sumadoodu tahay B ay shaqa bilaabi doonaan berito oo Jimco ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Talaabada A iyo B oo ay ku kala shaqeysanayaan Bajaajyada Muqdisho ayaa ka dhigan in mid walba ee A iyo B ku kala suntan tahay iney kala shaqeyn doonaan 24 saacadood, iyadoo maamulka uu sheegay in la ganaaxi doono bajaajtii la arko iyadoo shaqeyneysa maalin aan maalinkeeda aheyn lacag dhan 100 doolar.

“Iyada oo la fulinayo oo la meel marinayo go’aankii gobolka Banaadir ee ahaa in 24-ka May oo maanta ah ay ku eegtahay diiwaan gelinta iyo midabeynta Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho, ayaa waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyad u hoggaansamay awaamiirtaas, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynaayo" ayuu yiri afhayeen Saalax Dheere.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Mooto Bajaajtii aan soo marin habraaca diiwaan gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100, isagoona sidoo kale ka digay in la arko Mooto Bajaaj iskeed u midabeysatay lambarada A iyo B hadii la qabto loo aqoonsan doono mid khatar ku ah amniga Muqdisho in laga qaadi doono talaabo sharci ah

“Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo ee Maanta oo Khamiis ah" ayuu yiri Saalax Dheere.

Talabaadaan uu maamulka gobolka ku dhaqan galinaayo in Bajaajyada Muqdisho ku kala shaqeeyaan xarfaha A iyo B ayaa horay waxaa walaac uga muujiyay wadayaasha Bajaajyada Muqdisho oo sheegay ineysan ku filneen in hal maalin kalIya ay shaqeystaan.












Click here
5/25/2023 11:11 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay xaafado ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

5/25/2023 9:58 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ahna ku simaha Raysal wasaaraha Saalax Axmed Jaamac ayaa diiradda lagu saaray Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare iyo dhaqan gelinta nidaaminta bajaajyada ka howlgala Caasimadda dalka.

5/25/2023 7:48 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin uu ku sifeeyay saaqidiin ay hor istaageen inay doorasho ka dhacdo magaalada Garowe.

5/25/2023 4:15 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

5/25/2023 3:02 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - 33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland.

5/25/2023 1:35 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Dowldda Mareykanka ayaa cunaqabateyn culus ku soo rogtay 26 qof iyo hay’ado xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, iyo Shirkado Soomaaliyeed oo dhoofiya Dhuxusha.