4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Somaliland: Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer oo xal laga gaadhay

Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa ugu danbayn maanta xal buuxa laga gaadhay.

Shaqaaqadan oo galaafatay nolosha ugu yaraan 3 qof oo ka kala tirsan beelaha dhibaatadu dhexmartay, ayaa soo jiidatay indhaha bulshada Somaliland iyadoo xukuumad, mucaarad, waayeel iyo waxgaradba gurmad laga galay daminteeda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa badhtamihii bishan u safray magaalada Burco si uu gacan uga gaysto daminta colaada, sidookale wasiiro xukuumada ka tirsan ayaa halkaa u joogay daminta colaada.

Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo qaar kamid ah madax dhaqameedka ugu caansan Somaliland ayaa iyaguna Burco u joogay xal u helista colaada ilaa badhtamihii May.

Colaada ayaa maanta lagu dhameeyay shir si wayn loosoo agaasimay oo mucaarad iyo muxaafadba laysku arkay, oo ka dhacay magaalada Burco.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shalay mar uu daadihinayay dood ka dhacaysay golaha sheegay in colaad beeleedyo ay ka hurayaan qaar kamid ah gobolada.