4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Danjire Larry André: Deni labo jeer ayaan kala hadlay inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga, jawaabna ima siinin
 

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa wareysi uu siiyay BBC Soomaaliya uga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federalka iyo Puntland.

Danjire Larry André ayaa sheegay inay muhiim tahay in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan, si xal looga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee haatan jira.

Safiirka Maraykanka ayaa sheegay in wax fiican aysan ahayn in madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

“Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qibrad muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.”

Andre wuxuu sheegay, si guul looga gaaro Soomaaliya, inay muhiim tahay in Puntland ay qeyb ka tahay geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu madaxweyne Deni laba goor kala hadlay inuu qeyb ka ahaado kulamada wadatashiga, balse wuxuu sheegay in wax jawaab ah uusan siin.

Hadalka Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo haatan beesha caalamka ay madaxweynaha Puntland Siciid Deni ku boorinayaan inuu ka qeyb galo kulamada soo socda ee golaha wadatashiga qaran.

Puntland iyo Dowladda federalka ayaa siyaasad ahaan meel adag haatan kala joogo, waxaana khilaafka horey u jiray dab kusii shiday, kaddib markii madaxda dalka ugu sarreysa ay ka digeen doorashada Puntland, iyagoo sheegay in qalalaase amni uu ka dhalan karo.