4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2023
Isimada dhaqanka SSC oo ku dhawaaqay iney la wareegeen dhexdhexaadinta Khilaafka Saciid Deni iyo siyaasyiinta Mucaaradka

Jimco, May, 19, 2023 (HOL) - Isimada dhaqanka gobolada SSC ayaa shaaca ka qaaday iney la wareegeen dhexdhexaadinta khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaah Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ka ah ee salka ku haya arrmaha doorashooyinka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in dhaqanka SSC ay u kaceen xal  ka gaarista shaqaaqadi dhawaan ka dhacday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, islamarkaana ay la kulmeen labada dhinac ayna ku guuleysteen xal ka gaarista dhacdadaasi.

"Garoowe waxay horumarka ku gaartay waa amni, ismaqal iyo kala danbayn, Madaxweyne Saciid Deni waxaan ugu tagnay Magaalada Qardho oo wan wax badan ayaa isla meel dhignay oo talada iyo horumarka nin ka boodi kara ma jiro, madaxweynahana wuu nala qaatay, balse wixii wada hadallo kale ah dib la isugu soo laaban doona doorashada" ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Hadalkaan kasoo yeeray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Isimada dhaqanka ee kasoo jeeda gobolada SCC ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalin ka hor Xeer ilaaliya maamulka Puntland uu soo saaray waaran lagu soo xiraayo siyaasiyiin uu ku sheegay iney ka dambeeyeen shaqaaqadi ka dhacday habeen ka hor magaalada Garoowe.