4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2023
Dowladda Soomaaliya oo dalka ka eriday laba shaqaale oo ka tirsan Midowga Yurub
 

Khamiis, May, 18, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay labo ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah sawirro uga qaadeen maxaabiis ku jirtay xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaqalahan go’aan ka qaadatay, kadib, markii ay heshay codsi ka yimid xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, taasoo ku aadanaa in dalka laga saaro labadaasi nin.

Wasaaraddu waxay magacyadooda ku sheegtay Jacek Jozef Ochman oo Poland u dhashay iyo Ralf Bernhard Gehlig oo Jarmal ah, waxaanay ku eedaysay inay ku xad-gudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda ayaa ka codsatay Midowga Yurub in raggaasi laga soo saaro Soomaaliya muddo 72 saac gudahood ah. Waxaana ogaanay inay dalka ka dhoofeen Talaadadii.

Labadan qof ayaa u shaqaynayay Hawlgalka Kobcinta Awooda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in ceyrintan ay la xiriirto, kadib sawirro kasoo qaadeen 36 maxaabiisa oo ah kalluumeysato ajaanib ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Ochman iyo Gehlig ay 30-kii Abriil ku booqdeen maxaabiista xabsiga lagu hayo oo ay leeyihiin booliiska badda Soomaaliya, kadibna ay si qarsoodi ah sawirro uga qaadeen.

“Dambi ayaa la galay in sawirro qarsoodi ah laga qaado maxaabiista ku jirta xarumaha amniga si loo waxyeeleeyo sumcadda iyo karaamada qaranka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday wasiirka arrimaha dibbada.

Bishii Maarso, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in maraakiib shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 2023.