4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo Doxa kulan kula qaatay amiirka dalka Qatar
 

Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ayaa madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar  Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Amiir Tamiim Binu Xamad ayay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay inuu bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta waxa loogu yeero argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha  Gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda fagaareyaasha Caalamka.

Madaxweyne xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhowr jeer tagay dalka Qatar, tan iyo markii sanadkii hore loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee saamaynta ku leh arrimaha Soomaaliya. Waxay dowladda ka caawisay mashaariic waawayn sida dhismaha waddada Muqdisho iyo Jowhar.