4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2023
Isku dhac dhimasho sababay oo dhexmaray beelo wada daga gobolka Togdheer
 

Talaado, May, 16, 2023 (HOL) - Isku dhac dhexmaray beelo dhul isku haysta oo wada daga gobolka Todheer ee Somaliland, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 qof.

Khilaafka labada beelood ayaa dhowr jeer laga odayeeyay, iyada oo heshiis la dhex dhigay labada dhinac lakiin colaada ayaa maalmihii u danbeeyay dib usoo cusboonaatay, iyadoo sababtay dilal.

Hadaba, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan lasii sheegin xalay ugu ambo baxay gobolka Togdheer, waxaana la sheegaya in uu madaxweynuhu halkaas u aaday xalinta khilaafka ka dhextaagan beelahan isku deegaanka ah.

Dagaalada ku salaysan muranka dhulka iyo biyaha ayaa marar kala duwan kusoo noqnoqda beelaha daga gobolada Togdheer iyo Sanaag, iyadoo badan kooda xal laga gaadhay sannadihii u danbeeyay.

Wali ma jiro war rasmi ah oo xukuumadda ama hay'addaha amaanku kasoo saareen shaqaaqada dhimashada sababtay ee dhexmartay beelahan isku deegaanka ah.