4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2023
Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland

Isniin, May, 15, 2023 (HOL) - Siyaasiinta mucaaradka Puntland ee la magac baxay madasha siyaasada Puntland, ayaa shir ay Garowe ku yeesheen waxay sheegeen in doorashada golayaasha degaanka ee soo socota ay horseedayso xasilooni darro iyo amni xumo.

Siyaasiyiintan ayaa madaxweyne Deni waxay ku eedeeyeen inaan lagu aaminin karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale dowladda federalka Soomaaliya waxay ugu baaqeen inay faragalinta siyaasadeed iyo hadalada xanafta leh ka dayso Puntland, iyagoo sheegay inay Puntland isaga filan tahay xalka khilaafka dhexdeeda yaal.

Bayaan kasoo baxay gabagabada shirkan ayaa madaxweyne Deni waxaa lagu baaqay inuu joojiyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee aan heshiiska lagu ahayn sida ay sheegeen, iyo in sidoo kale la joojiyo furista dastuurka.

Siyaasiyiinta waxay ku eedeeyeen ciidamada booliiska iyo kuwa badda Puntland in loo adeegsanayo dano siyaasadeed oo doorashada la xiriirta. Waxayna ugu baaqeen inay ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadda.