4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2023
Xisbiga Waddani: 32 sannadood hagrasho iyo hoggaan xumo ayaa dhacday

Isniin, May, 15, 2023 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu Somaliland u horseeday dib u dhac.

Xogeeyaha Cadaalada Ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in mudada 30 ka sanno ka badan ee ay Somaliland jirtay aan la gaadhin horumar u dhigma.

"32 sannadood hagrasho iyo hoggaan xumo ayaa dhacday, oo dadka reer Somaliland hoggaamiyayaashoodii soo maray iyada oo aan la dhaliilayn halkii la doonayay wali may gaadhsiin, ha ugu darnaado hoggaamiyaha maanta jooga" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu sheegay in lixda sanno ee uu madaxweyne Biixi talinayay uu Somaliland u horseeday dib u dhac "Wuxuu yimid dalka oo mida wadajira oo lixda gobolba ay Somaliland gacanta ku hayso, gacantiisa ayuu ka saaray waana qorshe xumadiisa".

Waxa kale oo uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu umada ku dhaqay qabyaalad, eex, kalaqaybin iyo kalidiitalisnimo, ku xad gudub sharci iyo ku tumasho xuquuq aadame.

"Dad shacab ah oo 24 qof gaadhaya oo mudoharaad salmi ah samaynayay ayaa gacantiisa ku maqan, oo uu ku dilay Hargaysa, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu sheegay in uu madaxweynuhu ka leexday tubtii doorashada, taasi oo muujinaysa macangagnimo iyo in uu rabo in uu umada isku dhufto oo uu nabadgalyada waxyeeleeyo.