4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2023
Kenya oo dib u furaysa 3 goobood oo xudduudaha Soomaaliya ka tirsan oo ay ku xirtay weerarada Al-Shabaab
 

Isniin, May, 15, 2023 (HOL) - Saddex goobood oo ah xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sano, ayaa lagu wadaa in bishan dib loo furo, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Saddexda goobood oo kala ah, Bulahawa oo ka tirsan degmada Mandheera, Liboi- oo ka tirsan degmada Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu-ayaa la xiray sannadkii 2011-kii, xilligaasoo ay socdeen duullaanno iyo weerarro ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa lagu wadaa in uu maanta oo isniin ah kulan la qaato dhiggiisa Soomaaliya, Maxamed Sheekh Doodishe si ay uga wada hadlaan qorshaha dib loogu furayo saddexda goobood ee xuduudaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb geli doona wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, iyo wasiika arrimaha Dibadda Kenya Alfred Mutua, iyo dhiggiisa Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore laga daahfuray magaalada Mandheera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Intii ay socotay daahfurka, mas’uuliyiintu waxay ballan-qaadeen in ay iska kaashan doonaan, waxna ka qaban doonaan arrimaha nabad-gelyada ee gobolka.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadli doona sidii wax looga qaban lahaa khataraha guud ee amniga, maamulka xuduudaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta ganacsiga.

Kindiki ayaa sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saari doono tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xaqiijinta amniga ka hor inta aan dib loo furin xuduudaha.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacay weeraro xiriir ah oo ay geysteen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa, kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ayaa ku dhawaad 150 qof ku dilay jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii.