4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 13, 2023
Maamulihii Cisbitaalka Guud ee G. Galgaduud oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Sabti, May, 13, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u  naxariistee Dr. Axmed Mahdi oo ka mid ahaa Dhaqaatiirta sida weyn looga yaqiinay Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada maamulka Galmudug


Allah u naxariistee Dr Ahmed Mahdi oo maamulihii muddo badane gacanta ku haaye isbtaalka guud ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ahaa ee daaweeya Cudurada neef mareenka ku dhaco.

Dr. Axmed Mahdi ayaa in muddo ah ku noolaa dalka Finland isga xaaskiisa oo ayadna u dhalatay dalkaas Finland. Wuxuu noloshaas wanaagsan uga soo tagay in uu wax ka baddelo nolosh dadka Soomaaliyeed oo ay ka jirtay caafimaad xumo.

Muddo hadda laga joogo 25 sano, ayuu Dr. Mahdi wuxuu ka hir-galiyey isbitaalka Guud ee Gobolka Galgaduud ee dagmada Dhuusamareeb, wuxuuna gacanta ku haayey ilaa intii uu ka geeriyooday. Marxuumka ayaa wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo hal wiil.