4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2023
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo meel mariyay qaraar lagula dagaalamayo musuq maasuqa

Khamiis, May, 11, 2023 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay meel mariyeeen qaraar la sheegay inuu adkaynayo hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Qaraarkan oo ka kooban 8 qodob ayay golaha wasiirradu ku sheegeen inuu saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, Maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta Shaqaalaha.

Ra'iisul Wasaare Xamse oo guddoominayey shirkan ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Qaraarkan dowladda kasoo baxay, ayaa kusoo beegmay, iyadoo hay’adda Dowladda Soomaaliya lagu eedeeynayo in uu musuqu aad uga dhex jira, islamarkaana aanay jirin wax isla xisaabtan ah oo ay Dowladda kula dagaalamayso dadka ku lugta musuqa.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya oo saacado ka hor boggiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sidaan yiri, Dawladdu waxa ay bilaabaysaa Dagaal kale oo Aad u xoogan kaas oo lagula dagaalamayo musuqa laguna ilaalinayo Hufnaanta iyo isla xisaabtanka, Musuqu waa dilaa u shaqeeya Khawaarijta iyo kuwa u hadla.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa kaalinta ugu hooseysa kaga jirta qiimeynta heerka musuqmaasuqa ee 2022 oo ay soo saartay hay'adda Transparency International ee fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo baaritaan ku sameysay 180 dal.