4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Danjiraha cusub ee dalka Uk ka guddoomay nuqul ka mid warqadaha aqoonsiga
 

Khamiis, May, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa nuqul ka mid ah aarqadaha aqoonsiga Denjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis.

Safiir Michael Nithavrianakis ayaa badalay Safiirkii hore ee dalka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya Kate Foster, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona Soomaaliya.

"Waxaan maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub  ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeenna  Mudane Michael Nithavrianakis. Dalkeenna iyo Boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan, waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka. UK ayaa ahayd dowladdii ugu horaysay ee wadamada Galbeedka ka tirsan ee Safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna 2013" ayuu yiri wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa ah Diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha Dibadda oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maalgashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 ilaa 2023, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadaha UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.