4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 10, 2023
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo sheegay in Somaliland reer Awdal hagratay
 

Arbaco, May, 10, 2023 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in uu tabashada la qabo dadka reer Borama, lakiin ay tahay in si nabada loo wada baadi doono wixii dhiman.

Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka hadlayay carwo laga daahfuray magaalada Borama, ayaa sheegay in uu qirsanyahay in dadka reer Awdal anay Somaliland ka helin, wixii ay u qalmeen.

"Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqanyihiin, oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan ... xisbiga Kulmiye ee aan madaxweyne ku xigeenka ka ahay, waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatanyihiin" ayuu yidhi Saylici.

Waxa uu sheegay in wixii reer Awdal tabanayaan si nabada oo lawada baadi dooni karo lakiin anay suuragal ahayn in la waxyeeleeyo magaalada Boorama oo ah magaalo leh aqoon, soo dhawayn iyo nidaamka biyo galinta ee ugu fiican Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in magaalada Laascaanood ee colaadu ka taagantahay ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo galay mid ka badan oo ay garanwaayeen, lakiin reer Borama inta badan hay'addaha uun lagu haleeyo madaama oo ay nabad tahay.