4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 10, 2023
Madaxweyne Deni : Dowladda federalka waxaan ku naqaanay federal diid waxay ku darsadeen dimuqraadiyad diid
 

Arbaco, May, 10, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay madaxda Dowladda federalka inay dagaal xooggan kula jiraan dimuqraadiyadda Puntland.

“Madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu waxay isku raaceen inay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaalamayaan. Hadaladoodii waxaa ku jiray 2013 waa la fashiliyay, haddana ma dhacayso. Waxay caddeeyeen inay maalintaasna iyagu diidanaayeen, maadaama madaxweyne Xasan Sheikh uu xilka joogay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay markii Puntland ay ka billaabatay diiwaan galinta doorashada in Garowe iyo Laascaanood ay ka dhaceen rabshado lagu fashilinayo diiwaan galinta doorashada. Wuxuu arrintaas ku eedeeyay inay iska kaashadeen Dowladda federalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhinaca madaxweyne Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday raysal wasaare Xamse, isagoo ku tilmaamay inuu yahay xoghayaha madaxweyne Xasan Sheikh, Wuxuu sheegay shaqadiisa iyo masuuliyadiisa in uusan u madax bannaanayn.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh inuu sameystay Ergooyin lagu burburiyay awood qeybsigii siyaasadeed ee Dowladda federalka iyo awooddii raysal wasaaraha iyo wasiiradda.

Hadalka madaxweyne Deni iyo hadalada madaxda fedealka Soomaaliya waxay bannaanka usoo saareen khilaafka xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac.