4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo difaacay ciidamada shisheeye ee ka caawinaya wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab
 

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa ka qeyb galayay dood furan oo su’aalo lagu weydiinayay, ayaa ka hadlay ciidamada shisheeye ee Dowladda ka caawinaya wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la weydiiyay cawaaqib xumada ka dhalan karta ciidamada shisheeye ee aan ka tirsanayn howlgalka ATMIS.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay leedahay jihaynta ciidamadan, islamarkaana wuxuu sheegay in ay ka howlgalayaan meel walba oo ay dowladda ka codsato, si ay Alshabaab uga saaraan.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay in dowladaha kala qeyb galaya dagaalkaan, ay laftooda muhiimad weyn u leeyahay inay gudaha Soomaaliya kula dagaalamaan, kuna ciribtiraan kooxda Alshabaab, maadaama ay dalalkooda Alshabaab ku hayso Qatar amni oo weyn.

“Annaga iyo iyaga waxaan ku tashanay, Shabaab in Soomaaliya gudaheeda lagu baabi’iyo. Iyagana uusan u gudbin, annagana dhexdeena aanu joogin, waa qodob. Qodobadka labaad, Operation-ka naga dhaxeeya annaga iyo dowladahaas waxaa 90 maalmood. Ma heli karno inaan dhahdo Amisom hala soo badiyo. Waxaan rabnaa ciidamo aan dhihi karno waddadan mara,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Marka uu madaxweynuhu ka hadlayay cidda bixinaysa dhaqaalaha ay ku howlgalayaan ciidamadan, wuxuu sheegay in dowlad kaste ay iyadu dhaqaalaheeda la baxayso, ayna tahay arrin ay ku caawinayaan Soomaaliya oo ka codsatay.