4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay amar ka dhan ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaasha
 

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta ku dhawaaqay in guud ahaan magaalada Muqdisho uu mamnuuc ka yahay ka ganacsiga iyo isticmaalka maan dooriyaasha kala ah Shiishada, Taabuuga, Xashiishka Calaqa iyo Qamriga.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in goobaha lagu caweeyo ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ineysan furnaan karin wixii ka dambeeya 12:00 habeenimo.

Amarkaan kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa yimid kadib kulan uu Maanta kula qaatay xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray maamulka gobolka Banaadir ee ku shaqeysanaayay Shatiyo uu maamulka sheegay iney ahayeen kuwa dhacsan iyo kuwa been abuur ah.

Ganacsatada uu kulanka la qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhankooda soo dhaweeyay amarkaan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Dhawwaan ayay aheyd markii maamulka gobolka Banaadir uu albaabada isugu dhuftay xarumo ku yaala magaalada Muqdisho oo lagu isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, islamarkaana ay ku caweyn jireen dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho.

Gabagabadii talaabadaan uu maamulka gobolka Banaadir ku mamnuucayay ka ganacsiga iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay uu maamulka gobolka Muqdisho ka waday howlgalo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya.