4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ka dhacay Magaalada Qabridahare

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Qabridagare ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabridahare.

Lama ogaan ilaa iyo hadda waxa sababay iska hor imaadkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga oo wakhtigaa dhex marayay magaalada Qabridahare ay dhalinyaro dhagaxtuureen, kaddibna ay Ciidamadu adeegsadeen Rasaas iyo jidh dil, taas oo keentay dhaawaca ilaa 10 qof oo shacab ah.

Gadood ka dhashay dhacdadan ayaa hadheeyay magaalada Qabridahare, iyadoo shacab tiro badan oo arrintaas ka cadhoodayna ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee magaalada, waxayna dadkaasi ay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan Rasaata iyo Jidh dilka ay Ciidamada Militariga Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada Qabridagare.

Dadkii ku dhaawacmay iska hor imaadkan ayaa waxaa intooda badan lagu dabiibayaa Isbitaallada magaalada Qabridahare, iyadoo la sheegayo in dadkaa dhaawacmay ay ku jiraan kuwo xaaladoodu ay aad u liidato.

Maamulka magaalada Qabridahare oo geestooda ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka dhacay Qabridahare, sidoo kalena ay la kulmi doonaan maamulka Ciidamada Militariga, oo ay kala hadli doonaan dhacdadan ka dhacday magaalada Qabridahare.

Jawiga magaalada Qabridahare ayaa ahaa mid deggan xalay ilaa saaka, iyadoo isku socodka magaaladuna iyo goobaha ganacsigu ay sidoodii caadiga ahayd kusoo noqdeen maanta, kaddib isku dhacyadii shalay galinkii dambe ku dhex maray magaalada Qabridahare Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo degganaa magaalada Qabridahare.