4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2023
Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

Jimco, Maarso, 31, 2023 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka Laascaanood, iyo in Somaliland la timaado wado qeexan oo doorasho lagu gaadhayo.

Dowlada Maraykanka ayaa  walaac ka muujisay colaada ka taagan Laascaanood, waxayna ku baaqday in dhinacyadu xaalada dajiyaan isla markaana ay isugu yimaadaan miiska wadahadalka, waxayna sheegtay in sii socoshada colaadu keenayso in kooxaha xagjir ka ahi ay uga sii daraan xaalada.

"Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah inay abuuraan xasillooni daro baahsan oo ay uga sii dari doonaan dhibaatada bini'aadantinimo ee socota" ayaa lagu yidhi qoraal dowlada Maraykanka kasoo baxay.

Waxa kale, oo qoraalka lagu sheegay in dowlada Maraykanku ay soo dhawaynayso madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay sheegtay in ay ka go'antahay in uu Hargaysa ku qaabilo odayaasha dhexdhexaadinta ku howlan.

Maraykanku waxa uu Somaliland ugu baaqay in ay ciidamadeeda dib uga qaado furinta dagaalka, xoogaga kalena waxa uu ugu baaqay in ay ka dhowrsadaan in ay wax weerar ah ku qaadaan ciidamada Somaliland, wuxuuna soo dhaweeyay dhexdhexaadinta ay odayaasha reer Muqdisho wadaan.

Maraykanku waxa uu sheegay in uu ka walaacsanyahay dib u dhaca doorashada madaxtooyada ee Somaliland, wuxuuna soo jeediyay in miiska lasoo saaro qorshihii doorashada, dhanka kale wuxuu ku hanjabay in aanu dal ku galka Maraykanka siin doonin cidkasta oo loo arko in ay caqabad ku tahay qabsoomideeda.