4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2023
Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

Jimco, Maarso, 31, 2023 (HOL) - Haweenay ayaa geeriyootay kadib markii uu Dooxa Hargaysa qaaday baabuur ay la socotay xalay.

Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Najax isla markaana ahayd hooyo 5 caruura haysatay, ayaa geeriyootay kadib markii uu daad qaaday baabuur Probox ah, oo ay la socotay, isla markaana waxa lagu guuldaraystay in la bad baadiyo, sida uu goobjooge HCTV u sheegay.

"Waxay nagu lahayd walaalo miyaydaan jiidh damqada lahayn, i bad baadiya isoo gurmada, anaguna waxaanu aragnay in aanaan lahayn awood aanu kusoo bad baadino biyihiina way naga tan bateen, kadibna ashahaada ayaanu xasuusinay" ayuu yidhi goobjooguhu.

Dirawalkii baabuurka iyo ilmo yar oo ay gabadha geeriyootay wadatay, ayaa ka bad baaday biyaha, isaga oo dirawalku uu ilmaha yar la dabaashay kadib markii ay baabuurkiisa biyuhu ka awood bateen.

Goobjooyaasha ayaa sheegay in ay in ay isku dayeen in ay dirawalka ku qanciyaan in aanu dooxa ka talaabin laakiin uu ka dhaga adaygay soo jeedin tooda, isaga oo u arkayay in uu ka talaabi karo.

Waxa kale oo ay sheegay in ciidamada dab-damiska oo iyagu u tababaran bad baadinta dadka biyaha ku qarqooma, ay goobta shilku ka dhacay kasoo daheen, oo ay xili danbe soo gaadheen, taasina ay keentay in Najax la bad baadin kari waayo.

Maydka marxuumada ayaan ilaa hada la helin iyadoo eheladeedu ay baadigoob ugu jiraan, mid kamid ah qaraabada ayaana sheegay in anay helin taageero xukuumadeed.