4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay guulo laga gaaray cuuryaaminta dhaqaalaha Al-shabaab

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay guulaha dowladda Fedaraalka ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha kooxda Al-shabaab.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii Maaliyadeed ee dhaqaalaha kooxda Al-shabaab ay ka heli jirtay baada iyo badeecadaha usoo dega muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaa la joojiyay Baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay Badeecadaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri wasiir ku xigeenku Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirka in dowladda ay ku guuleysatay in kala bar hoos loo dhigo dhaqaalahii kooxda heli jirtay, isalamraakan dowladda xayirtay intii dagaalka maaliyadeed kula jirtay Al Shabaab akoonada ay kooxdaasi ku lahaayeen bangiyada dalka kuyaalla iyo telfoonadii ay lacagaha ku kala xawili jireen.

Wasiir Alcadaala ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay burburisay goobahii kooxda Shabaab dadka uga qaadi jirtay lacagaha baada ah, islamarkaana ay ugu yeeri jireen ganacsatada iyo dadka kale ee lacagaha ay ka qaadan jireen ee ku yaalay duuleedka magaalada Muqdisho.

"Waxaa la qabtay 15 gawaari oo Al-shabaab u isticmaali jireen aruurinta dhaqaalaha, waxaana la dilay 20 horjooge oo u qaabilsanaa aruurinta dhaqaalaha” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Gabagabadii wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano hor leh oo ku yaala maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.