4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo soo saaray go'aano ka dhan ah Mooto Bajaajta Muqdisho
 

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu Maanta shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay qaraarka nidaaminta Mooto Bajaajta.

Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa looga dooday dhibaatooyinka loo geysto dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta iyo waliba dhibaatooyinka amni daro ee lagu fuliyo Mooto Bajaajta iyo Mooto laba lugaaleyda.

Xubnaha Golaha wasiiradda oo intooda badan goobjoog ahaa kulanka Maanta ayaa soo saaray 5 qodob oo lagu xadidaayo Mootooyinka kala ah Bajaajta, laba lugooleyda iyo Mootada loo yaqaano Mooto Gaari.

Golaha ayaa ugu dambeyn isku raacay in dalka laga soo dajin karin Mooto Bajaaj cusub, islamarkaana tirakoob lagu sameeyo kuwa haatan ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso 5 qodob ee Goalaha wasiiradda soo saareen:-

1-
Laga bilaabo 1-da April ee sanandkan 2023-ka waxaa la hakiyay soo dejinta Mooto Bajaajta, Mootada laba lug leh iyo Mooto gaari iyo, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi.

2- Laga bilaabo 1-da ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), waxaana shaqadaasi fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir.

3- Lama siin karo ruqsada wadista Mooto Bajaajta iyo Mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18 sanno.

4- Laga bilaabo 1-da May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo Mootooyinka ilaa ammar dambe.

5- Hir-gelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha amniga dalka.