4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Gabdho asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo xiriir la lahaa ISIS oo lagu xiray Norway

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka dalka Norway ee PST ayaa shaacisay in la xiray labo gabdhood oo walaalo ah oo Soomaaliya kasoo jeeda, kuwaas oo ka soo laabtay dalka Suuriya horraantii Arbacada, iyaga iyo carruurtooda.

Maamulka Norway ayaa gabdhaha walaalaha ah ku soo oogay dacwad ah in ay ka tirsan yihiin ururka ISIS.

Norway waxay ku dhawaaqday inay dib u celinayso labada gabdhood ee walaalaha ah, Ayaan iyo Leila Juma, iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo laga keenay xero qaxooti Suuriyaan ah, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda xun ee xarunta ay ku jireen.

Gabdhaha walaalaha ah ee ah Soomaalida Norway ayaa sanadkii 2013-kii ka tagay dalka Norway iyaga oo dhalinyaro ah, si ay ugu biiraan kacdoonka looga soo horjeedo Madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Haatan da’ahaan waa 29 iyo 25 jir, dumarkan waxay haystaan saddex gabdhood, oo ay aabbe u yihiin dagaalyahannada Daacish, sida uu qoray wargeyska Verdens Gang ee Norway ka soo baxa.

Carruurta ayaa lagu soo waramayaa inay da’doodu kala tahay lix, toddobo, iyo siddeed jir.

Wasiirka arrimaha dibadda Anniken Huitfeldt ayaa yiri, "Xaaladda nololeed ee ka jirta xeryaha waa mid aad u xun oo khatar ah, carruurtan waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryahaas oo aan ahayn in carruurtu ku noolaadaan." Huitfeldt ayaa intaa ku daray in gabdhaha walaalaha ah ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay Norway ula soo laaban lahaayeen caruurtooda, iyagoo og inay wajihi doonaan xarig marka ay yimaadaan.

Kurdiyiinta oo gacanta ku haya xerada Al-Roj ee ku taal waqooyi bari Suuriya ayaa talaadadii ku dhawaaqay in gabdhaha walaalaha ah lagu wareejiyay diblumaasi u dhashay dalka Norway.

Waxaa la saaray diyaarad loo qorsheeyay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Gardermoen ee magaalada Oslo saacadu markay tahay 12:40 subaxnimo Arbacada.

Hay’adda nabad sugida Norway ayaa xidhay labada haween markii ay yimaadeen.

Kiiskan ayaa u eg kuwa kale oo ay ku lug leeyihiin dhallinyaro reer Yurub ah oo u safray Suuriya, oo ay ku jirto Shamima Begum, oo ah muwaadin British ah oo laga xayuubiyay dhalashadeeda ka dib markii ay ku biirtay ISIS iyada oo dhalinyaro ah.