4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Maraykanka oo ku baaqay in la kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku dagaalamaya
 

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu madaxweynaha Somaliland ku dhiirigaliyay in uu kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku dagaalamaya, isla markaana uu jeexo kharidad doorasho.

Qoraal lagu baahiyayay boga Twitterka ee Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayuu danjire Larry André Jr, ku sheegay in uu madaxweynaha Somaliland ku dhiirigaliyay in uu jeexo wado doorashooyin lagu qabto iyo in uu ciidamada Laascaanood ku dagaalamaya kala fogeeyo.

"Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu awood uleeyahay inuu kala fogeeyo ciidamada ku sugan Laascaanood iyo in uu ku dhawaaqo khariidadda doorashooyinka mustaqbalka. Wada hadal daacad ah oo aan galabta la yeeshay, waxaan ku dhiirigaliyay inuu sameeyo labadaba" ayuu yidhi Danjire André.

Colaada Laascaanood ayaa wali taagan iyadoo beesha caalamku ay marar kala duwan ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo, isla markaana dadaalo dhexdhexaadineed oo ay samaysay Itoobiya ayaan guulaysan.

Hadaba, kadib dagaalo dhinacyada dhexmaray todobaadadii lasoo dhaafay xaalada ayaa dagan mudo dhowr cisho ah iyadoo odayaal reer Muqdisho ahi ay isku dayayaan dhexdhexaadin, garaadada ayaana dhankooda sheegay in ay aqbaleen xabad joojin ay odayaashu ka codsadeen.

Somaliland wali dhankeeda kama hadal dhexdhexaadinta ay odayaashu wadaan, isla markaana waxay 26 bishan ku dhawaaqday in ay qaadayso weeraro qorshaysan oo ay kula dagaalamayso xoogaga dagaalka kula jira.