4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Ciidamada ilaaliya xarunta lagu dhaqan celiyo Alshabaab oo ka cabanaya mushaar la'aan

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Ciidamada qaabilsan amniga xarunta lagu dhaqan celiyo dadka kasoo goosta Alshabaab, ayaa ka cabanaya mushaar la'aan dhowr bilood ah.

Askari katirsan ciidankan oo la xiriiray idaacadda VOA Somali, ayaa u sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeysay aanay qaadan wax mushahaar ah.

Askarigan ayaa sheegay inay ilaaliyaan amniga ugu yaraan 250 qof oo kasoo goostay Alshabaab, kuwaas oo ku jira xerada Sarendi oo kutaala Muqdisho.

Wuxuu sheegay hay'adda gacanta ku haysa xaruntan inay ku wargalisay in aanay mushaar ah u haynin sanadkan cusub.

Dhinaca kale, wasiir u dowlaha amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay inuu jiro heshiis dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo hay'adda.

Wasiir u dowlaha wuxuu sheegay in lagu heshiiyay in dowladdu si tartiib tartiib ah ula wareegto xarumaha dhaqan celinta Alshabaab.

Wasiirku wuxuu sheegay in mushahaarka ciidamada cabanaya uu dib u bilaabanayo bishaan Maarso. Wuxuu sheegay arrintaas in heshiis ay ka gaareen dowladda Soomaaliya iyo hay'adda IOM.