4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2023
Ciidamada Fedaralka ee Itoobiya oo rasaas ku furay dad shacab ahaa oo isu soobax ka samaynayay dowlad degaanka Soomaalida

Isniin, Maarso, 27, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Ciidamada Fedaralka ee Itoobiya ay rasaas ku fureen dad shacab ahaa oo banaan bax ka sanaynayay magaalada Ayshica oo ku taal gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen Ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegayaa in sidoo kale ay jiraan dad dhaawac ah, sida dad goob joogayaal ah u sheegeen Warbaahinta.

Dadkan isu soo baxa samaynayay ayaa ahaa dad ilaa maalintii shalay ahayd ka gadoodsanaa dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira gobolka Siti, gaar ahaan barakicinta shacabka ku dhaqan qaar kamid ah magaalooyinka kuyaal gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dadkan isu soo baxa samaynayay ayaa xalay xidhay jidka laamida ah ee taga Jabuuti, inkastoo galinkii dambe ee maanta ay jidkii fureen Ciidamada Fedaralka ah ee Itoobiya.

Dhinaca kale Ugaaska guud ee Beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo maalintii shalay Warbaahinta la hadlay ayaa ku dhaliilay Ciidamada Fedaralka ee Itoobiya inay qayb ka yihiin dadka  barakicinaya shacabka ku dhaqan gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida, isagoo sidoo kale shacabka gobolka Siti ugu baaqay inay sameeyaan isu soobax ay kaga soo horjeedaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa iyo barakicinta uu sheegay in Ciidamada Fedaralka Itoobiya ay ku hayaan shacabka gobolka Siti.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlad degaanka Soomaalida oo ku saabsan dadkan lagu laayay magaalada Ayshica iyo guud ahaan waxa ay ka gadoodsan yihiin shacabka gobolka Siti, sidoo kale dowladda Itoobiyana kamaysan hadlin eedda ah inay Ciidamada Fedaralka Itoobiya ku lug leeyihiin colaadda inta badan u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta ee ka dhacda galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.