4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale si kulul uga hadlay isbaarooyinka yaala Hirshabeelle

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo gaaray magalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeeladda dhexe, ayaa dhaleeceeyay isbaarooyinka weli yaala Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan la qaatay bulshada Aadan Yabaal, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gobolka Shabeeladda dhexe uu yahay meesha weli Soomaaliya isbaarooyin sharci darro ah ay yaaliin, dadkana lagu dhibaateeyo.

“Cadow ka weyn ka jiro in qof isbaaro jidka dhigto. Isbaaro idinkaa isaga filan. Dowladdu meel kaste askari ma istaajin karto. Laakiin meel kasta dadkii deegaanka ayaa taagan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay deegaanada kale ee Soomaaliya in isbaaro laga gudbay, isagoo sheegay dadka inay iyagu iska kiciyeen isabaarooyinkii yiilay dhulkooda.

Wuxuu sheegay inay nasiib darro tahay in gobolka shabeeladda dhexe deegaannadiisa ay yaaliin isbaarooyin badan oo dadka lagu dhibaateeyo, arrintaasna ay ceeb ku tahay dadka deegaanka oo aan waxba ka qaban.