4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal
 

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Wafdigaan uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka oo ay ka mid yihiin wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si weyn waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Amaanka guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka degmadaasi la dhoobay ciidamo aad u farabadan si ay u xaqiijiyaan amaanka degmada inta uu madaxweynaha ku sugan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in halkaasi kulamo kula qaataan madaxda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar hoose oo ay heshay shabakada HOL ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Maanta kaga dhawaaqayo degmada Aadan Yabaal wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.