4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2023
Ugu yaraan 14 qof oo ku geeriyooday daadad ka dhashay roobab ka da'ay gobolka Gedo

Sabti, Maarso, 25, 2023 (HOL) - Ku dhawaad 14 qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena way ku barakaceen, hantina way ku burburtay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Gedo, sida ay sheegtay hay’adda bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN OCHA ayaa sheegay in dad badan ay ku naf waayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay roobabkii ugu badnaa ay ka da’een maalmihii la soo dhaafay.

Hay'addu waxay sheegtay in meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay heleen roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah usbuucii la soo dhaafay, taasoo muujinaysa bilowga xilli roobaadka Gu'ga.

"Saadaasha roobabku waxay muujinaysaa sii socoshada roobabka inta badan dalka illaa bisha Maarso," OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeeyay ee saadaasha roobabkii ugu dambeeyay ee xilliga Gu'ga 2023 ee la sii daayay fiidnimadii Khamiista.

Hay'adaha samafalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda nololeed ee sii xumaanaysa, gaar ahaan barakacayaasha (IDPs) ee ku nool degmooyinka ciriiriga ah ee aan haysan hoy ku filan.

Sida ay sheegtay Hay’adda OCHA, Roobab xooggan oo ka da’ay Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sababay daadad xooggan, isla markaana ay korontadii ka jartay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb Arbacadii.

Puntland ayaa sidoo kale fatahaaduhu waxa ay sababeen khasaare isugu jira beeraley iyo xoolo. Waxaa burburay kaabayaashii dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin goobo ganacsi iyo guryo ay daganaayeen dad barakacayaal ah, waxaana la sheegay in dadkii barakacay ay u guureen meelo fog.