4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2023
Faahfaahin : shirka wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo
 

Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee diirrada lagu saarayo waxay yihiin amniga, gaar ahaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Wasiirka warfaafinta Koobfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa BBC Somali u sheegay inay madaxdu ka wada tashanayaan habka loo wajahayo in Shabaab laga xoreeyo degaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xasan Cabdulkaadir Maxamed oo wax laga weydiiyay maqnaanshaha Puntland ee shirka, ayaa sheegay inay Puntland shirka wadatashiga uga maqan tahay arrimo farsamo iyo daruufo u gaar ah.

Wuxuu sheegay waxa shirka kasoo baxa in aysan noqon doonin wax Puntland dhibaato ku ah, isagoo sheegay in madaxdu iska warqabaan oo uusan jirin wax weyn oo lagu kala fog yahay.

“Run ahaantii mararka qaarkii waa iska dhici kartaa in maamul maqan yahay, daruufo gaar ahi haysto. Marka madaxdu waa iska waraqabaan. Way wada xiriiraan. Waxaan is leeyahay wax isla ogyahay oo madaxtooyada iyo maamul goboleedyada isla ogyihiin baa soo bixidoona.” ayuu yiri wasiirku.

Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan ka qeyb galidoonin shirarka wadatashiga qaran, iyadoo sheegtay in ay si madax bannaan dowladda federalka ugala xaajoon doonto arrimaheeda u gaarka ah.