4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2023
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada
 

Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada ka dib wada hadal dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao.

Mas’uuliyiintan oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo xiriirka labada dal.

Labada masuul ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee horumarinta nabadda iyo amniga.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen ajandayaasha dowladda ee la dagaalanka kooxda Alshabaab iyo baahida loo qabo qaadista cunaqabateynta hubka.

Wasiirka gaashaandhigga, ayaa sheegay in  Fei, ay ka wada hadleen arrimaha nabadda iyo ammaanka, dadaallada la dagaallanka argagixisada, iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.