4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Duduncad ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Duduncad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilawday, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la sheegay iney doonayeen iney gubaan Ceel biyood laga dhisayo deegaankaasi oo ay ka war heleen ciidamada dib u xureynta deegaanka, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Dagaalka dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iyo Al-shabaab ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xureynta deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Duduncad ay iska difaaceen ayna gaarsiyeen kooxdii soo weerartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hayeeshee dhankooda ayuu sheegay in dagaalka ay kaga dhaawacmeen sadax ruux.

Al-shabaab oo laga saaray guud ahaan  deegaanada iyo degmooyinka dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar weeraro gaadmo ah ka geysta deegaanadii horay looga saaray.