4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Maraykanka oo ugu deeqay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qalab ciidan oo ku kacaya $9 milyan

Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Mareykanka ayaa ugu deeqay qalab milatari oo ku kacaya 9 milyan oo dollar oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda wareejinta qalabkan waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka Larry Andre, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka XDS S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

"Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Al-Shabaab," ayuu yiri danjire André.

“Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali. Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go'an tahay inaan taageeradiisa Soomaaliya,"ayuu hadalkiisa ku daray Andre.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykanka, isagoo yiri “Allow ii oggolow inaan dowladda Mareykanka u gudbiyo mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Taageeradan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi u ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda la dagaalanka al-Shabaab.”

Hubkan oo isugu jira kuwa fud fudud iyo kuwa daran dooriga u dhaca ayaa lagu taageerayaa guutooyinka ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Danab ee hadda ka qeyb qaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Hubkan ayaa la diiwaan geliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta hubka iyo rasaasta.