4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Ciyaartooy Soomaali ah oo Waxbarasho bilaash ah ka helay Jaamacado ku yaala dalalka Canada iyo Mareykanka
 

Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Lix dhallinyaro ah oo Soomaali ayaa deeq waxbarasho ka helay jaamacado ku yaalla wadamada Mareykanka iyo Canada, kuwaas oo la sheegay in lagu xushay kubadda cagta oo ay ku wanaagsan yihiin.

Dhalinyarada ayaa la sheegay iney u cayaari doonaan kubadda cagta Jaamacadaha ay ka heleen deeqda Waxbarasho, waxaana lixdooda sadax ka mid ah deeqda waxbarasho ay la ka heleen Jaamacado ku kala yaala dalka Mareykanka, halka sadaxda kalana ay ka heleen Jamaacado ku yaala magaalada Toronto ee dalka Canada.

Sadax ka mid ah lixdaan dhalinyarada ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya ee 17- jirada ah, sida uu VOA-da u sheegay Cabdirashiid Xasan Xirsi oo loo yaqaano Bakin, kaasoo ah guddoomiyaha naadiga Semkey oo ah kooxda soo saartay dhallinyaradaan.

"Lixdaan dhalinyarada ah waxay ka mid yihiin dhalinyarada aan soo saarnay oo aan waqtiga badan ku bixinay, waan ku faraxsanahay in maanta dhalinyaradeena kasoo muuqdaan ciyaaraha dalalka Mareykanka iyo Canada, hada waxaa mid ka mid ah dhalinyaradaan uu ku biiray xulka qaranka dalka Canada ee ka yar 20 jirada" ayuu yiri guddoomiye Cabdirashiid Xasan Xirsi Bakin.

Guddoomiyaha naadiga Semkey oo ah kooxda soo saartay dhallinyaradaan Cabdirashiid Bakin ayaa sidoo sheegay in dowladda Canada aysan ka helin wax caawinaad ah oo la xariira qarashaadka tababarada dhalinyaradaan, hayeeshe ay taageero la taaban karo ka helaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada.