4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Somaliland oo si rasmi ah shidaal looga helay
 

Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Deegaanka Degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland, ayaa si rasmi ah looga helay ceel shidaal.

Kadib baadbis cilmiyaysan oo wasaarada macdanta iyo tamartu ku samaysay dareere madow oo kasoo fatay goob laga qodayay ceel biyood bishii Sebtember ee sannadkii hore, ayaa la ogaaday in uu yahay shidaal rasmi ah.

Hadaba, qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu sheegay in dareerihii shidaalka looga shakiyay uu noqday shidaal, dhawaana lasoo saari doono.

"Baadhis cilmiyeysan oo lagu sameeyey natiijadii ceelka degmada Sallaxley wuxuu noqdey shidaal, dhawaana shirkadda Genel Energy waxay bilaabaysaa baadhista iyo soo saarista shidaalka" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada macdanta iyo tamarta.

Shirkada Genel Energy ee ceelkan qodi doonta, ayaa sannadihii u danbaysay Somaliland ka waday shidaal baadhis, hadaba dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan diidmo ka muujisay howlaha ay shirkadu ka wado guddaha Somaliland.

Dhinaca kale, qoraal 29/12/ 2022 kasoo baxay Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, oo lagaga jawaabayo diidmada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Somaliland arrimaheeda u madax bannaantahay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]