4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Madaxweyne Deni: Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay dhibna ma lahayn
 

Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen, taasoo uu sheegay in aysan wax dhib ah lahayn.

Hadalkan ayaa kor u qaaday tuhunka ku aadan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi, taasoo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ka digeen, sheegeena inay horseedi karto qalalaase siyaasadeed.

“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado. Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,”ayuu yiri Deni.

Inkastoo Deni uu hadalkaan yiri, haddana wuxuu sii raaciyay in waxa meesha yaalla aanay ahayn ku darsi, balse ay tahay sidii loo dhisi lahaa golayaasha deegaanka Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay dad siyaasiyiin ah inay dadka ka jeedinayaan inay aayahooda ka tashadaan. Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in masiirka dadka laga ilaaliyo cid kaste oo doonaysa inay jidgooyo u dhigato.

“Kuwaa waxay leeyihiin doorasho qori lagu waar diyaynayo. War doorashada qori laguma waar diyaynayee, nimanka jidka u galaya santuuqyadaa laga ilaalinayaa. Sida sharaftiina iyo cirdigiina loo ilaalinayo, ayaa loo ilaalinayaa dadka danihiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Deni.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni waxaa haatan muddo xileedkiisa uga harsan hal sano oo buuxda, waxaana maanta u buuxsamtay afar sano oo uu xilka hayo.