4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Dibulumaasi Maraykan ah oo shacabka Soomaaliya uga digay in ay tamar ku bixiyaan kala goynta Somaliland

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Tibor Nagy oo ahaa kaaliyihii hore ee xogeeyaha arrimaha dibada Maraykanka Africa u qaabilsana, ayaa sheegay in qaar kamid taageerayaasha dowlada Soomaaliya ay tamar badan ku bixiyaan burburinta Somaliland.

Nagy oo aad ugu olloleeya aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa sheegay in uu la yaabo markuu arko qaar kamid ah taageerayaasha Soomaaliya, oo tamartooda ku bixinaya in ay Somaliland kala jaraan, isaga oo usoo jeediyay in ay dhulkooda dhistaan halkii ay Somaliland kaga mashquuli lahaayeen.

"Waxan madaxayga la ruxa markaan arko qaar kamid ah taageerayaasha Soomaaliya, oo tamar tooda ku bixinaya sidii ay Somaliland u kala jari lahaayeen, halkii ay Soomaaliya ka dhisi lahaayeen, sidii labadii beeroole ee Ruushka ahaa, ee midi saca laha, ee halkuu ka kale Alle sac ka baryi lahaa, uu ku ducaysan jiray in saca ninka kale dhinto" ayuu yidhi Nagy.

Hadalka Nagy ayaa kusoo beegmaya xili Soomaali badan, oo kasoo horjeeda qadiyada Somaliland, ay baraha bulshada uga ollolaynayaan, in gobolka Sool iyo degmooyin kale laga jaro Somaliland.

Maraykanka ayaa meel mariyay xeer ogolaanaya in Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed, Nagy ayaana kamid ahaa dadkii dabada ka riixayay meel marinta xeerkan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]