4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2023
Raysal wasaare Xamse: Waan ka xunnahay in Laascaanood dad shacab ah oo dhagax sita xabbad lala dhaco

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, ayaa sheegay ka dowlad ahaan inay ka xun yihiin in dad shacab ah oo dhagaxaan sida hub loo isticmaalo oo lalaayo.

Raysal wasaare Xame, oo wareysi siinayay wakaladda SONNA, ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in dad shacab ah oo Soomaaliyeed lagu xadgudbo, wuxuuna sheegay inuu ka tacsiyeynayo dhibaatada Laascaanood ka taagan.

“Waxaan usoo jeedinayaa maamulka Somaliland inay dadka la hadlaan, oo aan lagula hadlin qoriga afkiisa. Laakiin loo yimaado, lala hadlo, waxay rabaana lagala hadlo,” ayuu yiri Xamse.

Raysal wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyay salaadiinta dhaqanka Somaliland sida ay uga hadleen ugana dhiidhiyeen in dad rayid ah lagu laayo magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay cid kasta oo nabada jecel inay qeyb ka ahaato xalka nabadeed.