4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Guddoomiye Aadan Madoobe: Sidaan haddaan kusii socono waxaan ahaan doonnaa barlamaan shaqeyn waayay

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta sheegay inay sharciga la tiigsandoonaan xildhibaannada ka maqan fadhiyada golaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu barlamaanku ka shaqeynayo in aanay isku xaquuq noqon xildhibaannada ilaaliya waqtiga ee soo xaadira fadhiyada iyo kuwa aanan imaanin.

“Sidaan haddaan kusii socono, waxaan ahaan doonnaa barlamaan shaqeyn waayay. Dadkuna inay isdulsaarnaadaan ma ahan,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyuhu wuxuu faray guddiga anshaxa iyo xeer-hoosaadka barlamaanka inay usoo gudbiyaan liiska xildhibaanada aan soo xaadirin kalfadhigga fasax la'aan, si loola xisaabtamo cid kasta oo sharciga la degsaday u haggaansamin.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa yimid kaddib markii maanta uu mar kale baaqday fadhigii barlamaanku uu yeelan lahaa sababa la xiriira kooramka xildhibaannada oo aan buuxsamin.

In ka badan 20 hindiso sharciyeed ayaa horyaala barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in laga dooda oo la ansixiyo, sida uu sheegay xildhibaan Cabditaax Qaasim oo katirsan golaha barlamaanka.

Sidoo kale, Xildhibaan Qaali Cali  Shire oo katirsan golaha shacabka, ayaa sheegtay in xildhibaannada aan golaha imaanin ay ceeb ku tahay mataladooda iyo masuuliyaddooda.