4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Golaha Wakiilada Somaliland oo ka jawaabay guddi Soomaaliya u magacowday Laascaanood
 

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa daan daansi iyo sharci daro ku tilmaamay guddi uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliya u magacaabay xalinta qalalaasaha Laascaanood.

War-saxaafadeed golaha kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Golaha Wakiilada Somaliland yahay gole si dimuquraadi ah loo soo doortay isla markaana uu masuul ka yahay dadweynaha Somaliland.

"Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka masuula dadweynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, golaha wakiiladu waxa uu ku fadhiyaa hab dimuquraadi ah oo ku salaysan doorasho hal qof iyo hal cod ah" ayaa lagu war-saxaafadeeda.

Golaha ayaa guddida uu guddoomiyaha golaha shacabku magacaabay ku tilmaamay gardaro, iyo talaabo sharciga caalamiga ah baal marsan.

"Hadaba, qoraalka uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka loogu yeedho "Golaha Shacabka Soomaaliya, oo ah ashkhaas lagu xushay teendho hoosteed, waa mid aan ku fadhiyin xaqiiqo isla markaana baal marsan xeerarka caalamiga ah" ayaa lagu war-saxaafadeeda.

"Qoraal ka uu ku sheegay in uu guddi ugu magacaabay deegaano Somaliland ah, waxaanu u aragnaa daan daansi" ayay war-saxaafadeedu ku dartay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeeda oo faah faahsan:-


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]